Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne uga dhawaaqay howlgallo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu xarigga ka soo jaray madaxtooyada cusub ee Galmudug.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa mar kale si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna iclaamiyey howlgal militeri oo kooxda looga xoreynayo meelaha ay ka joogaan galbeedka Hiiraan.

Sidoo kale gobollada kale ee Shabellada Dhexe iyo Galgaduud ayuu sheegay in howlgal culus uu ka bilaaba doono maalmaha soo socda, halka diyaar garow xoog leh uu ka socdo K/Galbeed iyo Jubbaland.

“Dowladda federaalka aad iyo aad ayey raali uga tahay dadaalka dib u xoreynta ah ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, inta uu Shabaab joogo meel ka mid ah dalkeena ma nasa doono, waa daba soconaa, kana hari meyno, galbeedka Hiiraan mar dhow waa laga wey doonaa Khawaarijta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in dib u dhis iyo horumarin ay dowladdu u sameyn doonto dhamaan deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab, “Dalka looma weyn dib u dhis iyo horumar, laakiin waxaa laga suurta geli kari waayey nimankaan imtixaanka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Si gaar ah dadka reer HirShabeelle iyo Galmudug oo si buuxda ugu istaagay inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, “Dhibaatadaan waxaan ku soo jirnay 15 sano, waan ka bixi rabnaa, guusha ayaa ii muuqata, Shabaab hadda qarax kaliya ayey uga soo hartay, car hala arko Shabaab aan qarax wedin oo dagaalmaya, waan ka adkaanay, waana dhameystireynaa,” ayuu madaxweynuhu ka yiri Beledweyne.

Hoos ka daawo