Ciidanka Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku sugnaayeen AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay markii hore ka duulaan tageen degaanka Xalfooleey, waxaana dagaalka dhex-maray ciidamadaas iyo Al-Shabaab ka dhashay khasaare kala duwan.

Hogaanka ciidamadaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ay kusoo furteen hub badan, ayna ku dileen laba kamid ah kooxda Al-Shabaab.

“Waa sii wadi doona howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka wadno gobolka Shabeellada Dhexe, illaa laga saarayo guud ahaan gobolka.”

Weerarkaan ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalankaAl-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.

Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada.