Sidee wax u dhaceen habeenkii nala qarxiyey aniga iyo Cabdicasiis Afrika?

Maxaa dhacay habeenkii Sabtiga ee 20-11-2021?

Saladii Maqrib aniga iyo walaalkey Cabdicasiis Afrika, waxaan ku soo noqonay shaqada, kormeerka waaxda SNTV & Radio Muqdisho kadib, waxaan qaadanay gaariga walaalkay Agaasime Cabdulqaadir Muxyadiin, waxaa inagoo ka kooban Cabdicasiis Afrika, Cabdulqaadir Cabdulahi, Maxamed Xasan Barrow iyo aniga aan aaday guriga guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir Khadar oo balan aan ku lahayn.

Wax badan naguma qaadan howlihii aan u soconay, waxaan soo maca salaameynay guddoomiyaha, aniga iyo Agaasimaha hey’adda socdaalka Cabdul ayaa balan kala qaadanay.

Waan soo baxnay, sheeko iyo kaftan kadib, waxaan soo gaarnay maqayadii aan u soconay oo ku taalla meel amni ah oo cabsi iyo welwel amaan naguma jirin, taas oo sabab u noqotay in halkaas aan ku nagaano.

Afar nin ayaan aheyn seddax ayaan noqonay markaan oo Barrow ayaa naga soo tegay.

Aniga caawa oo kale waxaan lahaa casuumad gaar ah oo ay ii samaysay xaaskayga, waana habeen ii gaar ah oo waxay ku beegan tahay dhalashadaydii, saaxiibada kale casho kadib, waxaa la gaaray xilligii saalada cishaha.

Afrika waan daahnay “Nakeena saaxiib” waxaan bixiyey lacagtii cashada. Lacag qabtihii maqaayada ayaa yiri “Waan helay saaxiib mahadsanid.”

Waxaan u dhaqaaqnay gaariga xagiisa oo gudaha noo yaallay marka aan galay gaariga, waxaa soo dhacay Telkayga gacan, waana Tafaftiraha TV-ga Qorshe oo arrimo shaqada ku saabsan aan kawada hadalnay, gaarigiina gadaal ayuu u baxay, Qorshana waan isla garay arrimihii, kadib waxaan dareemay jug sida in gaarigu ku dhacay darbi, waxaana xusuustaa inaan darawalkii dhahay “Geel beele gaariga gododka ka qabo.”

Hadana wax walba sidii hore ma aha, nasiibka ugu badan waxaa lahaa walaalkay oo shilkaas ku shahado qaatay (markiiba shihiiday).

Sanad kadib, gurmad loo sameeyey badbaadinta nafteyda oo ehel iyo asxaab aan uga mahad-celinaayo kadib, hadda waxaan qabaa caafimaad taam ah, xag jireed iyo xag maskaxeedba, Allaah ayaan uga shukrinayaa.

Ugu dambeyntii Walaalkey Shahiid Cabdicasiis Afrika Allaha ka aqbalo shahaadadiisa, sidii ifkaan looga jeclaa Ilaahey ha u jeclaado, samir iyo imaan allaha naga wada siiyo ehel iyo asxaaba, ma dhinte waa Allee, ducada igula kaalmeeya walaalkeen Afrika. Waa mahadsantihiin.

W/Q: Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame