Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan, mid cusubna magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax, waxa uuna wareegto uu soo saaray xilkaasi ugu magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA KASOO BAXDAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

Markuu arkay : SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada

Degmooyinka iyo Goballadadalka

Markuu Tixgaliyey : Soo jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanxilkaqaadisGuddoomiyahaGobalkaHiiraaniyo Soo

jeedinta WasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanmagacaabisGuddoomiyahaGobalkaHiiraan

Markuu Garwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay

mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

Xafiiska Madaxweynaha J.F.S

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com