H/GIDIR oo arrin halis ah ku eedeysay AMISOM.!!

Marko (Caasimada Online) – Mid kamid ah beelaha daga magaalada Marko oo dhawaan dagaalo beeleedyo ka dhaceen ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM iney hub ku taageereen mid kamid ah beelihii ku dagaalamay magaaladaasi.

Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble, oo kasoo jeeda mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Marko ayaa sheegay in ciidamada AMISOM hub badan ku taageereen beelaha Marko ku dagaalay taasi oo sii hurisay dagaalka, sida uu sheegay.

“Amisom waxay hub siisay beel ka mid ah beelihii ku dagaalamay Magaalada Marka. Waxaan cadaymo u haynaa in Amisom ay rasaas ku taageertay beeshaasi.” Ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

Dhinaca kale imaam Cabdulaahi Khaaliif Rooble, ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya ineysan qaadan kaalintii looga baahnaa eek u aadan joojinta dagaalada kusoo noq noqday deegaanada Shabeelaha Hoose.

“Masuuliyad darro iyo dayacaad ayaa jirta. Meelaha ay ka taliso Dowladda maxay beeluhu ugu wada dagaalamaan. Maxay ku dhacday in Magaalada Marka oo Amisom ay joogto in lagu dagaalamo? Maxay u kala dhex geli la’dahay beelaha ku dagaalamaaya?” Ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

Ugu dambeyn Imaamka ayaa wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney dadaal rasmi ah u gasho sidii loo joojin lahaa dagaalada qabiilka ku saleysan ee kusoo laablaatay Marko iyo deegaanada Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com