Dagaal ka dhex qarxay Khaatumo iyo Somaliland

Buuhoodle (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya xiisada dagaal ee u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanada Somaliland iyo Khaatumo oo shalay gelinkii dambe dagaal xoogan uu ku dhexmaray duleedka degmada Buuhoodle.

Dagaalkii shalay ayaa sababay dhimashada 18 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo oo saxaafada la hadlay, iyaga oo masuuliyada dagaal ku eedeeyay in laga soo abaabulay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Maleeshiyaadka ayaa ku dagaalamaya deegaan ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana dagaalkooda uu sababay in xiisadiisa uu kusii faafo deegaano kale oo gobolka ku yaala, iyadoo laga dareemayo degmada Buuhoodle iyo deegaano kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta maamulka Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid laga soo abaabulay Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland dhankeeda masuuliyiin u hadashay waxay sheegeen in dagaalka uu yahay mid la siyaasadeeyay oo kabilowday deegaano wada daga duleedka degmada Buuhoodle oo labada maamul ay isku heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com