Xog: Shariif Xasan oo Xuseen Cabdi Xalane orod uga soo saaray gobolka Bakool iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa Gobolka Bakool kasoo ceyriyay Wasiirkii hore ee maaliyadda Somalia Xuseen Cabdi Xalane.

Shariif Xassan ayaa lasoo warinayaa in Xuseen Cabdi uu ku dalbay Ciidamo gaar ah, kuwaasi oo lagu amray inay soo xiraan Xuseen Cabdi, balse markii danbe uu halkaasi orad uga soo baxay.

Xuseen Cabdi ayaa Gobolka Bakool u gaaray arbushaada Siyaasada maamulka, waxa uuna mudooyinkaani danbe halkaasi ka waday abaabul banaanbaxyo ka dhan ah madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan iyo maamulkiisa.

Xuseen Cabdi ayaa kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeeda Beesha Ogaden oo socdaal ku gaaray Gobolka Bakool, kuwaasi oo si aad ah kaga soo horjeeday magacaabida Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu dhawaan yeeshay.

Xuseen Cabdi oo baxsad ka ah Shariif Xassan ayaa iminka ololo ugu jira sida BKG looga horkeeni lahaa BFS.

Siyaasada Koonfur Galbeed ayaa iminka ah mid aloo sahal, ka gadaal markii ay cabasho muujiyeen beelo badan oo kasoo jeeda Gobolada uu ka arrimiyo Shariif Xassan, waxa ayna Beesha Ogaden ay qeyb ka tahay beelahaasi.

Dhanka kale, Shariif Xassan ayaa isagu kasoo horjeeda in Beesha Ogaden ay BKG ka helaan xubinimo u dhiganta kan ay heleen beelaha kale, waxa uuna Shariif wacad ku maray in cawaaqib ay la kulmi doonto cidii ka hor imaada BKG.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com