Xasan oo aqoonsaday baarlamanka Jubbaland.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu dib u aqoonsaday jiritaanka Baarlamaanka Jubbaland.

Go’aanka lagu aqoonsaday Baarlamaanka Jubbaland, ayaa waxaa si wada jir ah u go’aamiyay Xassan Sheekh iyo Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Go’aankaani ayaa ka danbeeyay kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu muddo laba maalin ah arrintaasi kala hadlaayay Xassan Sheekh iyo Jawaari, iyadoona ugu danbeyntii Gudoomiyaha BF uu Axmed Mdaoobe iyo Xildhibaano ka tirsanaa Jubba u gacan galshay cadeyn muujineysa in BF uu dib uga laabtay go’aankii uu ka gaaray Baarlamaanka Jubbaland.

Xassan Sheekh ayaa horay muddo Seddex mar ah ku gacanseeray in Jawaari iyo tirro Xildhibaano ka tirsan BF ku qanciyo in laga laabto go’aankii lagu qaadacay aqoonsiga BJ, balse waxaa iminka soo baxaaya in juhdi kadib ay suuragashay in Xassan uu ku guuleysto raali galinta Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xassan ayaa isaga horayba uga soo horjeeday go’aanka uu BFS ku laalay Baarlamaanka Jubbaland oo ku eedeysnaa ku tagrifal awooda qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed ee halkaasi wada dega.

Inta badan madaxda dalka ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaysan u hogaansamin sharciga dalka lagu maareeyo, waxa ayna arrintaani qeyb ka noqoneysaa baalmarka go’aanka uu horay BF uga gaaray jiritaanka BJ.

Lama oga cawaaqibta ka dhalankarta baalmarka Madaxweyne Xassan uu inta badan ku sameeyo sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com