DUQII GAALKACYO oo geeriyooday

Garoowe (Caasimada Online)- War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in goor dhow uu geeriyooday ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uulkaasi oo lagu magacaabayay Cabdi Ismaaciil Faarax (Ciiro) oo horay u ahaan jiray ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo uu ku geeriyooday Shil Gaari oo ka goordhawayd ka dhacay Inta u dhexaysa Deegaanka Cagaaran iyo Magaalada Gaalkacyo.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu la rogmaday Mas’uulkaasi durbadiina halkaasi uu ku naf baxay.

Allaha u naxariistee ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo, ayaa waxaa xiligaasi la socday Laba ruux oo aan la garaneynin sida uu xiligaani Caafimaadkoodu yahay, wallow Saraakiisha Caafimaadka ay sheegayaan in midi uu dhaawac yahay labadaasi ruux.

Dhanka akle, Meydka Ciiro ayaa waxaa goor dhow la geeyay Isbitaalka Al-xayaat ee Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi ismaaciil Faarax (Ciiro) Sidoo kale waxaa uu hadda ka tirsanaa 27-ka Xubnood ee golaha Deegaanka, waxaana sidoo kale uu mar labaad u tartamay Ku xigeenka duqqa Degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com