Musharax dood ka keenay natiijadii lagu dhowaaqi lahaa ee doorashada Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhowaaqista natiijada doorashada madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii muran cusub ay ka keeneen kooxda musharax Raila Odinga. 

Guddiga doorashada ayaa lagu waday inay natiijada ku dhowaaqaan 3:00 PM ee xilliga Bariga Afrika, hase yeeshee kooxda Odinga ayaa diidan inay yimaadaan xarunta natiijada looga dhowaaqayo ee Kenyatta International Convention Centre ee magaalada Nairobi. 

Madaxa ololaha Raila Odinga, Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisa ay awoodi waayeen inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan weydiisan doonin musharaxooda inuu yimaado xarunta. 

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan inuu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta.

Saitabao Kanchory oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay jiraan khiyaanooyin ka dhacay doorashada, balse ma uusan faah-faahin.

Niyadjab weyn ayaa laga dareemay xarunta Kenyatta International Convention Centre kadib warkii kasoo baxay kooxda Odinga, waxaana hadda jirta cabsi ah in natiijada lagu dhowaaqi waayo isla maanta, ama ay saacado kale dib usii dhacdo.

Dadka qaar ayaa dulqaadka ka dhammaaday, waxaana kuwa ay ku jiraan xildhibaano ay billaabeen inay xarunta isaga tagaan.

Qasab ma ahan in musharaxiinta ay joogaan xarunta looga dhowaaqayo natiijada, hase yeeshee marka la eego rabshadihii horey uga dhacay doorashooyinka, way adag tahay in guddiga ay ku dhowaaqaan natiijada ayada oo musharaxiinta aysan raali ku wada ahyn.

Haddii Raila Odinga looga guuleysto doorashadan, waxay noqon doontaa markii shanaad ee laga adkaado, waxayna u badan tahay inuusan mar kale is-sharxi doonin maadaama uu yahay 77 jir.