26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Gudoomiye Muuse Geelle oo xil ka-qaadis ku sameeyey xoghayihii guddiga FEIT

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha guddiga Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan kadib markii uu qaaday tallaabo uu khilaaf ugu dhex-abuurayo.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xalay ka horyimid liiska kasoo baxay guddiga doorashada ee xildhibaanada baarlamanka 11-aad, kaasi oo laga reebay xubno uu ugu caansan yahay Fahad Yaasiin, waxaana la rumeysan yahay in Cabdiraxiin uu ku xiran yahay Villa Somalia.

Qoraalka Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xilka xoghayaha guud ee guddiga FEIT loo magacaabay 14 Bishii February ee sanadkaan 2022.

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa shalay shaaciyay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan, waxaana laga reebay Fahad Yaasiin oo kurisgiisa HirShabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Go’aankan ayaa gilgilay Villa Somalia, waxaana xalay durba billowday isku day lagu kala furfurayo guddiga ama ugu yaraan muran loo gelinayo tallaabada uu liiska kusoo saaray guddiga.

Ma cadda hadda tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan Villa Somalia, balse waxaa suurta-gal ah inay markan adeegsadaan maamul goboleedyada ku xiran ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo horey u sheegay in guddiga aanu shaqo ku laheyn dhaarinta xildhibaanada cusub.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda xil ka qaadista

- Advertisement -

Read more

Local News