NISA oo fulisay howlgal lagu laayey Al-Shabaab badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay 21 ka tirsan Al-Shabaab, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaas ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay howl-galkaas ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Howl-galkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxy wasaaradda warfaafinta.

Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhamaan kooxdii Shabaabka ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Jabka maanta la gaarsiiyay argagixisada ayaa ka dhigan in Afar maalmood oo xiriir ah ay Ciidanka Qaranka ka dileen Al-Shabaab ku dhawaad 200 oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii uga mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto argagixisada duulaanka ku ah dalka, dadka iyo diinta.