DF oo amar culus dul dhigtay culimada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay amar cusub oo ay dul dhigtay Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo looga mamnuucayo inay aadaan deegaanada ay weli maamulaan kooxda Al-Shabaab iyo la macaamilkooda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegya inay reeban tahay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay Wasaarada oo dhameystiran:

1. Wasaaradda iyadoo adkeynaysa Bayaankii shirkii 24-29 Oktoober 2022,waxay reebtay in kooxaha Khawaarijta ee ka daagalama Soomaaliya loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij.

2. Wasaaraddu waxay reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan-Kaligii muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

4. Wasaaradu waxay bogaadinaysaa dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinteena Xaniifka ah inoo jideysay.

5. Wasaaradu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay isukaalmeystaan wanaaga, gutaanna waajibkooda ku aadan taageerida gulufka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiga Shacabka Soomaliyeed.