Madaxweyne XASAN oo magacaabay la-taliye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay La-taliyaha xiriirka caalamiga ah ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Xilkaan ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Mudane Nasa Ige.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hanaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Alle uga baryey La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay Nasa Ige in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.