NISA oo soo qabatay ninkii ugu halista badnaa Al-Shabaab, soona bandhigtay xogtiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigtay ninkii ugu muhiimsanaa  Al-Shabaab ee dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Ninkaas waxaa lagu magacaabaa Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) NISA waxay sheegtay in muddo ay ku daba-joogtay, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, sida lagu sheegay qarkaan waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto.
Zakariye waxaa la qabtay xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo deegaano ay Shabaab ka joogaan dalka, isagoo ka baxsanaya hey’adaha ammaanka muddo dheer dabagal ku haayey.
“Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka NISA.
Qoraalka hey’adda waxaa lagu sheegay in ninkan dhawaan loo gudbin doono Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ay NISA ku shaacisay soo qabashada ninkaan.
May be an image of 1 person and beard