Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegayaa in bartilmaameedkiisa uu ahaa Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Gaadiidka dagaal ayaa waxa uu Qaraxa ku haleelay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii ay dhaafen ciidamada AMISOM, mana jirto wax khasaaro ah oo ciidamada AMISOM kasoo gaaray Qaraxa.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Qaraxa, kuwaasi oo loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku dhow dhow wadada warshadaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada dowlada oo howlgalo ka fuliyay, waxaana halkaasi lagu qabqabtay dhalinyaro lala xiriirinaayo Qaraxa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku aadan Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com