Galmudug oo eedeymo culus dusha ka saartay Puntland

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan caqabado dhowr ah oo ku horgudboon hanaanka lagu xalin lahaa Colaadaha ka dhex oogan labada maamul.

Galmudug waxa ay sheegtay inay ku taameysay in wadahadal ay la furto maamulka Puntland si loo joojiyo colaada taagan balse ay kasoo horjeesatay Puntland.

Burhaan Warsame oo ah Wasiirka Dekadaha Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in Galmudug ay ku dadaashay inay xaliso colaada, balse Puntland aysan diyaar u aheyn.

Waxa uu sheegay in wada hadalada Dagaalada Gaalkacyo loo xilsaaray Guddiyo isugu jira Dowladda Federaalka, Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug, waxa uuna cadeeyay in Galmudug ay aqbashay balse Puntland ay ka hor imaaday.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in dagaalka ay ololinayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland waxa uuna carab dhabay inay yihiin kuwo ka macaasha colaadaha iyo dhiiga qubanaaya.

Galmudug ayuu sheegay inay aqbaleyso joojinta dagaalka, balse loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed ay marqaati ka noqdaan in Puntland ay diidan tahay dagaalka la joojinaayo.

Hadalkaani ayaa kusoo beegmaayo xili maalinimadii shalay uu dagaal culus ka dhacay Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com