Qoyska Obama oo ku kala jabay ololaha Trump iyo Clinton

Nairobi (Caasimada Online) – Qoyska uu kasoo jeedo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa aad uga carooday haddal dhaleecen ah oo kasoo yeeray wiilka la dhacay Obama ee lagu magacaabo Malik Obama.

Qoyska Obama waxa ay sheegen inay aad uga xun yihiin dhaleecenta uu Malik Obama u jeediyay walaalkiisa Obama taa oo ku aadan howlaha doorashooyinka Mareykanka.

Danqashada dhaleecenya la dhaleeceyay Obama ayaa waxaa jeediyay Qoyska Kenyanka ee Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku nool tuulada Nyangoma Kogelo, deegaanka Siaya, kuwaasi oo sheegay in xiriirka ay u jarayaan Malik Obama.

Ninka lagu magacaabo Nicholas Rajulu oo ah Afhayeenka qoyska Obama ayaa sheegay in Qoyska ay ka go’an tahay inay xiriirka u jaraan Malik Obama.

Nicholas Rajulu waxa uu sheegay in qoyska ay ka carooden hadalka Malik Obama iyo go’aanka uu ku taageerayo musharaxa madaxwaynanimada ee Jamhuuriga Donald Trump.

Nicholas Rajulu, waxa uu sidoo kale sheegay in qoyska Obama ay u kala hiilinayaan labada mas’uul, waxa uuna dhankiisa ka taageray go’aanka qoyska.

Sidoo kale, waxa ay wacad ku mareen in ay u ololeeyaan musharaxa doorashada Guddoomiyaha deegaanka Siaya kula tartami doono isaga sanadka soo socda , iyagoo falalkiisa ku tilmaamay mid laga xumaado.

Dhinaca kale, Mr Malik Obama ayaa u safray Mareykanka si uu uga qayb galo dooddii ugu danbeesay ee musharaxiinta Hillary Clinton iyo Mr Trump oo lagu marti qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com