Sawirro: Milkiilaha Facebook oo la weydiiyay su’aal jahwareerisay oo labiskiisa ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal dadweyne oo isticmaala Shabakada Facebook, ayaa su’aal kaga naxsaday Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook.

Boqolaalkaasi dadweyne oo Online-ka ku helay Mark Zuckerberg, ayaa ka sinaa Su’aashooda oo aheyd sababta uu isaga bedeli la’ yahay hal funaanad oo uusan iska bedelin.

Waxa ay weydiiyeen sababta uu isaga bedeli la’ yahay halka funaanad ee qafiifka isagoo hantiile caana ah.

Mr Mark Zuckerberg oo ka qajilay Su’aashaasi ayaa ku jawaabay ”Haa waa run mar waliba waxaan isticmaala hal funaanad anigoo hantiile ah, balse diyaar uma ahi inaan wakhti qaali igu ah ku lumiyo labis”

”Hamigeygu wuu ka weyn yahay labis iyo inaan ku mashquulo nolo, waayo waxaan rumeysanahay in muhiimad gaara ay ii leedahay inaan ka fekero waxa i horyaal oo qura”

Waxa uu intaa raaciyay isagoo qancinaaya taageerayaashiisa ”Dhowr sano ayaa ii gashay isticmaalka hal funaanad waana sii isticmaali doonaan mudada ay ila sii ooleyso”

Su’aalaha kadib Commentiyada ay taageerayaasha isweydaarsanayeen ayaa waxaa kamid ahaa in Mr Zuckerberg oo ah 32 jir uu isticmaalka Funaanadaasi bilaabay sanadkii 2004 oo aheyd markuu aas aasay bogga Facebook.

Waxaa uu bilyoonaarkan yahay nin jecel dabacsanaanta asigoo xataa ku socda kabo dacas ah kuna taga shirarka caalamiga ah.
facebook-1

facebook-2

facebook-3

facebook-1

facebook-2

facebook-3

facebook-4

facebook-5

facebook-6

facebook-7

facebook-8