Kenyatta oo ka shanqariyay go’aan aad loogu dhibsaday

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday cafiska 7,000 danbiilayaal ah kuwaasi oo laga qafiifinaayo saxmada ka jirta Xabsiyada dhexdiisa.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in booska maxaabiistaasi laga saaray la galin doono qaar kamid ah Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha lagu helo kiisaska musuq-maasuqa.

Cafiska 7,000 maxbuus ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isaga sheegay in booska laga saaray maxaabiistaasi uusan ahaan doonin mid faaruq ah.

Uhurro Kenyatta waxa uu sheegay in Maxaabiista uu cafiska u fidiyay ay yihiin kuwa ay bilaha yar u harsan yihiin, waxa uuna ballanqaaday in booska Maxaabiistaasi ay buuxin doonaan Saraakiil badan.

Kenyatta waxa uu amar duldhigay Madaxa cadaalada Kenya Mr David Maraga, waxa uuna ku amray inuu kala sifeeyo kuwa Musuq-maasuqa saaxiibka u ah iyo kuwa wanaagsan ee ku dayashada mudan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa mar kale waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Docda kale, Cafiska uu fidiyay Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa kusoo beegmaaya xili dalka Kenya ay ku jirto fantasiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com