26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Qarax ay ciidamada DF ku dhamaaden oo ka dhacay duleedka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqidsho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay goob fariisin u aheyd Ciidamada Dowlada waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo xooggan.

Qaraxa oo ka dhashay miino lagu aasay fariisinta ciidanka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen toddoba Askari, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 16 ruux oo la sheegay inay yihiin shacab u badan carruur.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi lagu xiray ilaa 8-ruux oo looga shakisan yahay in miinada ay aaseen.

Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili maanta Qarax loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News