24.7 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Guddoomiye baarlamaan oo xildhibaanada cusub ku amray inay amar la’aan doortaan Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa shaaca ka qaaday Musharaxa Madaxweyne ee uu dooran lahaa haddii uu ahaan lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu dooran lahaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Sheekh Cusmaan oo la hadlaayay Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu doortay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay inay doortaan Xasan Sheekh.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga ka Cusmaan ahaan haddii aan ahaan lahaa Xildhibaan waxaan dooran lahaa Xasan Sheekh cid kale madooran laheyn waxaan idinkuna idinka codsanayaa inaad doorataan Xasan Sheekh”

Sheekh Cusmaan oo dhawaan lagu doortay magaalada Jowhar ayaa u muuqanaaya in wadahadal uu la galay Xasan Sheekh Maadaama maalmahaani uu joogay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News