28 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Daawo Sawirrada: Khasaarihii ka dhashay Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow isku Qarxiyay nawaaxiga guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa nooca loo yaqaan Isbaashiyada waxaana la socday hal ruux oo markii danbe is qarxiyay, kaasi oo da’diisa lagu sheegay ilaa 28 ilaa 32 Jir.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa ku dhintay wadaha gaariga, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa Afar ruux oo shacab ah.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay ninkii isqarxiyay kaliya inuu ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa isna xaqiijiyay ninkii isqarxiyay kaliya inuu ku dhintay.

Wararka qaar ayaa sheegaya Saraakiil Booliska ka tirsan inay marayeen wadada xilliga qaraxa uu dhacaayay.

Maqaayada The Village ayaa la sheegayaa in qeyb ka mid ah ay gubatay, waxaana halkaas gaaray gawaarida dab damiska oo ku howlan daminta dabka

- Advertisement -

Read more

Local News