28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Boosaaso: Taliye ku xigeenka booliska oo weerar lagu dhaawacay iyo xiisad kacsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bosaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenka Seddexaad ee Booliska maamulka Puntland.

Taliyaha la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Jaamac Saxardiid Cabdi, waxaana dhaawiciisa ka danbeeyay kooxo hubeysan.

Dhaawaca Taliye ku-xigeenka ayaa yimid kadib markii Kooxdaasi ay weerareen xili uu kasoo baxaya Hotel ku yaala Magaalada Boosaaso, iyadoo ay Kooxda rasaas huwiyeen ka hor inta uusan gaarin Gaarigii uu watay Taliyaha.

Dhaawaca Taliye ku-xigeenka oo ahaa mid culus ayaa waxaa goordhow loo qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso, halkaasi oo lagu dabiibi doono inta uu ka bogsanaayo.

Dhaawaca Taliye ku-xigeenka kadib ayaa waxaa howlgal lagu baadi-goobaayo Kooxaha falkaasi geystay bilaabay Ciidamada amaanka maamulka, waxaana iminka magaalada Bosaso ka socda baaritaan xoogan.

Lama oga sababta ka danbeysay in dhaawac loo geysto Taliye ku-xigeenka Seddexaad ee Booliska maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News