28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xog cusub oo kusoo korortay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maqaayadda Village

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa ka dhacay eeryada Guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaasi oo ku qarxay Darbiga Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Maqaaxida The Village.

Xiliga uu qaraxu dhacay ayaa la sheegay in ay goobta ay ku sugnaayeen dad u badnaa rayid, waxaana goobta ku tiilay Maqaaxida The Village oo ay isugu yimaadan dad aad u farabadan.

Dadka Qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Wadihii Gaariga Qarxay.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Afar ruux oo shibil u badan, halka dhimashaduna lagu sheegay keliya wadaha Gaariga Qarxay.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowlada oo baaraya sababta Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News