DEG DEG: Qarax culus oo goor-dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo iminka xarun u ah ciidamada dowladda ee howl-gallada amni ka fulinaya Muqdisho.

Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey eek a dhacay Muqdisho tan iyo markii ay dowladda xaalad deg deg ah Muqdisho gelisay.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.