Somalia iyo Kenya oo soo celiyey xiriirkooda kadib heshiis ka dhacay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday in ay dowladda Soomaaliya isla ogaalaadeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan.

Xiriirkan ayaa go’ay 16-kii Febraayo, kadb markii Kenya ay cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, una yeeratay safiirkeeda Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ku eedeysay inay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeed ay sheeganeyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma aya maanta magaalada Nairobi kula kulantay dhiggeeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, halkaasi oo ay uga wada-hadleen xiisadda ka dhex-oogan labada dal.

Qoraal ay barteeda twitter soo dhigtay ayay Monica ku sheegtay in shirka si gaar ah looga hadlay walaaca dowladda Kenya ay ka qabto shirkii shidaalka Soomaaliya ee 7-dii Febraayo ka dhacay magaalada London.

“Waxaan dib u xaqiijinay rabitaankeena xooggan ee ah inaan dib usoo celino xiriirka labada waddan, waxaana isku raacnay inaan tallaabada ugu horreysa ka dhigno inaan dib ugu celino safiirada labada waddan fadhiyadooda” ayey tiri Monica.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kulanka ka dhacay Nairobi iyo is-fahamka dowladda Kenya ay sheegtay in la gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Naiorbi
caasimada@live.com