Kenya oo safiirka Somalia soo cayrisay unu yeeratay safiirkeeda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) –  Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo ayaa loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo.

“Xadgudubkan xooggan ee boobka sharci-darrada ah ee kheyraadka Kenya ma noqon doono mid aan laga jawaabin, wuxuuna la macno yahay daan-daansi lagu sameeyey dadka Kenya iyo kheyraadkooda” Ayuu yiri Macharia Kamau.

“Xaraashkan naxdinta iyo daan-daansiga leh, wuxuu mudan yahay oo uu la kulmi doonaa diidmada isku duuban ee dadka Kenya oo dhan iyo sidoo kale dadka aaminsan joogteynta xeerarka iyo kala dambeynta caalamiga ah, iyo in xal sharciyeed oo nabad ah laga gaaro murankan” ayuu yiri.

Kenya ma aysan shaacin dhulka ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay.

Si kastaba, waxay u muuqataa in arrintan ay la xiriirto dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay ee Soomaaliya, oo horey ay Kenya ay u sheegatay ayada oo uu ku doodeysa heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee 2009.

Heshiiskaasi oo uu diiday baarlamankii KMG ahaa, ayaa waxaa saxiixay Craxmaan Cabdishakuurm, oo xilligaas ahaa wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com