Wax ka ogow dhulka Kenya ay sheeganayso ee dartiis xiriirka ugu jartay Somalia

Nairobi (Caasimada Online) –  Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Balse dhul-badeedka ay Kenya ay sheegayneyso ayaa xaqiiqda ah dhul-badeedka Soomaaliya, balse Kenya waxay ka faa’iideysatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee ay Soomaaliya la gashay sanadii 2009. Heshiiskaas waxaa diiday baarlamaankii KMG ahaa iyo sidoo kale QM.

Haddaba waa kee dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso. Hoos ka aqriso.

Dawladda Kenya ayaa Arbaco (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay  (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wata khariidado.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976.

Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: “Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding “MOU”) markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la’aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay.

Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin.

Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39’34.25″S, 47°20’38.46″E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54’13″S, 46°24’55″E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2.

Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay(116,000km2) – waa cabbir aad u wayn oo aad loola yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma’ahan. Arintaasi waxay ku cadahay xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya cabiratay (38,000km2).

Xogahaan oo dhan ma’ahan kuwo isdiidan ee waa xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii cilmi baarista waxaa kamid ahaa in Kenya  ay gudbisatay March 10, 2009 xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki  ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah  ama qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay dhul-badeed ah (116,000km2) – Arrintaas waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah, 116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo.

Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976. Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976.  Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro Koonfur Bari.

Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay. Hadda su’aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kiiDecember 1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali waysay? Su’aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?.

Hoos ka ag qariiradda ay Kenya gudbisatayXuquuqda qoraalkan waxaa leh oo horey u daabacay SomaliTalk,