Xog dheeri ah oo laga helayo qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay irida hore School Bulisia, oo ay degan yihiin ciidamada booliska Soomaaliya.

Nooca gaariga caawa Qarxay ayaa lagu sheegay inuu ahaa kuwa Raaxadda oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Goobta uu gaariga ku qarxay ayaa aad loo adkeeyaa amaankeeda, waxaana inta badan loo ogol yahay kaliya inay maraan madaxda dowladda Soomaaliya.

Dhawaqa qarax oo aad u xogganaa ayaa inta badan waxaa laga wada maqlay magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inay jiraan dhimasha iyo dhaawac badan.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa durba tagay goobta waxayna wadaan caawimaad loo fidinayo dhibanayaasha.

Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey eek a dhacay Muqdisho tan iyo markii ay dowladda xaalad deg deg ah Muqdisho gelisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com