Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray Magaaladda Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Puntland, ayaa sheegaya in Halkaasi uu goor dhow ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Maamulka.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ku geeriyooday Taliyihii Booliiska Gobolka Bari Col C/raxmaan Cali Xuseen Muslim.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa waxaa la sheegayaa inay la geeriyoodeen Labo ka mid ah ilaaladiisa oo midkood uu ahaa Darawalkiisii, halka kan kalane uu kamid ahaa ilaaladiisa.
Qaraxa ayaa la Tilmaamayaa inuu ahaa Miino nooca rimuudka laga hago, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu sidoo kale dhaawac kasoo gaaray dad iyagu goobta maraayay oo tiro ahaan la sheegay Seddex ruux.
Qaraxa Taliyaha lagu dilay ayaa waxa uu noqonayaa mid qalqal galiyay Taliyayaasha Laamaha Ammaanka, inkastoo xiligaani ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka oo goobta xiray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho