R/W C/WELI oo u jawaabay PUNTLAND!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo maanta ka qayb galay kulan dadku ay su’aalo ku waydiinayeen ayaa si aan faah faahsanayn uga jawaabay walaaca Puntland ay ka muujisay heshiiska mamul u samaynta gobaladda dhexe ee dalka.

”Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxuuna si cad u qeexay Madaxweynaha DFXasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho” ayuu yiri RW Cabdiwali

Balse waxa uu sheegay howshan ay wadaan inay tahay mid lagu damacsan yahay sidii mamul tayaysan loogu samayn lahaa saddex mamul ee Galgaduud iyo Galmudug ka jira.

“Sida aad ogtihiin gobollada dhexe waxaa ka jiray maamullo yar-yar oo aysan ka dhaxayn wada shaqayn, waxaana xukuumaddu samaysay guddi golaha wasiirrada ka tirsan oo wada xaajood la fura dhinacyadaas si loo mideeyo maamullada gobollada dhexe ka jira, waxaana rajo fiican ka qabnaa in dadka deegaanadaas dagan loo sameeyo maamul ay ku midaysan yihiin. Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxuuna si cad u qeexay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo shir jaraa’id qabtay 31-july ayaa qaadacay go’aanka heshiiska ah ee lagu damacsan yahay in lagu mideeyo Mudug iyo Galgaduud kaasoo u arkay in Gobalka Mudug lagu kaxaysanayo.

Gaas sidoo kale wuxuu sheegay inay degdeg ah isaga soo baxaan xubnaha Puntland DF ugu jira si looga wada tashado arrimaha la isku hayo ee ay ugu horayso nidaamka federaalka.

Hadalka R/W Cabdi Weli ee maanta, ayaa muujinaya in dowladda aysan diyaar u ahayn inay wax wada hadal ah oo dambe ka gasho maamulkaasi, islamarkaana go’aankii lagu dhisay uu yahay mid aan ka noqosho lahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com