Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya illaa saddex qarax oo goordhow lagu weeraray xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu dhuftay dhabarka dambe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ay xarunta ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa darunta dowladda hoose iyo Muqdisho Mall, halkaas oo ay ka socoto is rasaaseyn xoogan.

Jugta qaraxydan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo la dagaalamaya ragga weerarla ku galay xarunta gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada.

Xarunta gobolka Banaadir oo halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howlgallada ka billowday gobollada dalka, waxaan weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays o ku yaalla agagaarka madaxtooyada.