Sawirro: Qeybtii ugu muhiimsaneyd Suuqa Bakaaraha oo caawa gubaneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa goordhow qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa.

Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa deg deg u gaaray suuqa, si loo baqtiiyo dabka.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay deg deg u tageen suuqa.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan laga qabo in dabka la xakameeyo, oo aad uusan ugu faafin suuqa qeybihiisa kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, wuxuuna dabkaan ugu yaraan sanadkiiba hal mar suuqaas ka geystaa khasaare hinti oo aad u badan.

Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo.

Gubashada soo noqnoqotay ee suuqa Bakaaraha ma jirto cid ogaatay ilaa hadda sababta ka dambeysa.

Dowladdu ma baarto sababta keenta dabkaan sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqaan weyn ee Bakaaraha, sidoo kale ganacsatada suuqa ayaa lagu eedeeyaa in taxadarkooda uu aad u hooseeyo.

Hoos ka eeg sawirrada suuqa oo gubanaya