Sawirro: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxaasi, wuxuuna u tacsiyeeyey shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa is-miidaaminta ee maanta ka dhacay magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xamze ayaa u ballan-qaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka, gacana ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhaawacyada ah.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafsay yare xasilnaa, walow mararka qaar ay ka dhacayeen qaraxyo nooca miinada ee dhulka lagu aaso.