Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, waxaana kadib la maqlay rasaas xigtay.
Qaraxa oo ismiidaamin ahaa loona adeegsaday baabuur ayaa lasoo wariyay in lagu weeraray hoteel ku yaalla galbeedka magaalada oo lagu magacaabo Qaahira.
Dhismaha la weeraray ayaa la sheegay inuu ka socday abaabul xoog leh oo ku aaddan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoteelka la beegsaday ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil la sheegay inay abaabulayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa qaraxa xigay weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku galeen hoteelka, iyaga oo weli ka dhex dagaalamaya goobta, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Khasaare kala duwan ayaa jira, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama weli howlgalka uu socdo, rasaasna laga maqlayo aagga ay wax ka dhaceen.
Xaaladda goobta ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgal culus ka wada dhismaha hoteelka oo ku yaalla aagga xaafadda Howlwadaag.
Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, kan degmada, iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aaddan qaraxa iyo weerarka xigay ee Beledweyne.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo mar kale dib ugu soo laabtay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.
Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan ayaa u muuqda mid lamid ah kuwii hore.