Sawirro: Imaaraadka Carabta oo war ka soo saaray kulankii Xasan Sheekh iyo Bin Zayed

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa shalay ku soo dhaweeyay Abu Dhabi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga Imaaraadka Carabta.

Kulan ay yeesheen labada hogaamiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, iyo Dhaxal-sugaha Dubai, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca, H.H. Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta, kulanka oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee Abu Dhabi, labada Madaxweyne ayaa is dhaafsaday salaamo iyo hambalyo ku aaddan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo Alle uga baryay horumar iyo barako sii kordha oo u gaar ah dalalkooda iyo shacabkooda.

“Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, iyagoo ka arrinsaday fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo koboca iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Imaaraadku ka ciyaaray sidii shacabka Soomaaliyeed u gaari lahaayeen yoolalkooda koboca, xasilloonida, iyo barwaaqada.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dowladda Soomaaliya oo ay soo wajahday dhaqaale-yari baahsan ayaa maalmo ka hor kaalmo lacageed weydiisatay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo weliba codsigeeda ku dartay in degdeg looga soo jawaabo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka ayaa la soo daahay jawaabtii, waxaana shalay safar qarsoodi ah ku baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka aaday, si uu si toos ah u soo weydiisto waxa ay Soomaaliya ka rabto Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka ka codsatay kaalmo dhaqaale oo degdeg ah iyo taageero militari oo duqeymo u badan, maadaama Khawaarijta Al-Shabaab ay soo qaaday weerar rogaal-celis ah.

Lacagta ay Soomaaliya Imaaraadka ka codsatay waa mid badan, waxaana baahiyaha ay qoratay ka mid ah dhaqaale ay u rabto ciidamada Danab oo Mareykanku taageeradii ka jartay iyo kab miisaaniyadeed; sidoo kale duqeymo iyo saanad militari ayey Soomaaliya weydiisatay Imaaraadka.

Ilo wareedyada xogtan siiyey Caasimada Online waxay xaqiijiyeen in Imaaraadku ka cagajiiday inuu ka soo jawaabo codsigii Soomaaliya, taasina ay sababtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu baxo Abu Dhabi.

Ma cadda, haddii safarka Xasan Sheekh wax ka beddelay jawaab la’aantii Imaaraadka Carabta.