Qarax ismiidaamin ah oo caawa Jowhar ka dhacay iyo khasaare ka dhashay

Jowhar (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, waxaana qaraxaas faahfaahin ka bixiyey taliska booliska magaaladaas.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa is-miidaamiyey, waxaana geeriyooday kaligiis, halka dad kale oo askar isku dayday inay ka hor tagto is-miidaaminta ay ku dhawacmeen.

Taliyaha Saldhigga booliska degmada Jowhar oo la hadalay TV-ga Shabeelle ayaa sheegay in laba askari oo ninka is qarxiyey ka hor tegeysay iyo gabar kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

“Magaalada bartamaheeda ayuu qaraxu ka dhacay, nin jaakad qaraxda soo xirtay ayaa rabay inuu isku qarxiyo dad shacab ah oo meel isugu tegay, ciidanka amniga ayaa dadaal badan sameeyey, dhaawacyadaas seddaxda ah markii laga soo tago dhimasho aan is-miidaamiyaha ahayn ma jirto,” ayuu yiri Taliyaha hadlay.

Goobta uu doonayey inuu isku qarxiyo ninkaas waxaa Hotel City oo ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar, waxaana lagu celiyey banaankiisa, “Hotelka waxaa isugu tagay dad badan oo xaafadaha magaalada ka kala yimid, dhalinyaro badan ayaa isugu tagta oo waa hotel weyn, dadkaas ayuu rabay inuu dhibaateeyo,” ayuu yiri taliyaha booliska degmada Jowhar.

Waa qaraxii 3-aad oo is-miidaamin ah oo muddo 20 cesho gudahood ah ka dhaca magaalada Jawhar, waxayna qaraxyadaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacyo leh, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxyadii hore.

Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha