26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Qarax ka dhacay Banaadir iyo faahfaahin ku saabsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu ka dhacay Qarax baabuur lagu xiray inta u dhaxeyso Banaadir iyo Digfeer.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxaas ayaa sheegayo inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu lahaa shakhsi.

Sida wararka sheegayaan qaraxaas wuxuu geystay khasaaro dhaawac, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo jidka marayey.

Ninkii lahaa gaariga ayaa la sheegay inuusan xilligaas ku jirin, balse labada qof ee dhaawacmay ay ahaayeen kuwa jidka marayey.

dhaawacyada labadaan qof ayaa la dhigay Isbitaal Kalkaal oo u dhow meesha qaraxa ka dhacay.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ahaa Surf cadaan ah oo xilligaas meel yaalay qofkii lahaana uu meelaha ka dhawaa.

Qaraxaas ayaa qalqal ku abuuray dadkii la og dhawaa, wuxuuna kusoo aadayaa xilli aysan dadka Muqdisho weli iloobin Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana xusid mudan inuu qaraxaas ka dhacay Banaadir oo aan sidaas uga fogeyn halka musiibada ka dhacday.

lama ogo waxa uu ahaa qofka gaarigiisa qaraxa loogu xiray.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News