Sawirro: Ethiopia oo ugu danbeyntii Muqdisho kasoo dajisay dawadii ay ballanqaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa garoonka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kasoo dagay laba Diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ethiopia kuwaa oo waday gargaar dawo.

Wafdiga Diyaarada la socday ee Ethiopia ka yimid waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro ay ka mid tahay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia Fowsiyo Abiikar Nuur, Xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale.

Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka Somalia oo halkaasi warbaahinta hadal kooban ku siisay ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ethiopia, garab istaaga iyo hiilada ay la barbar taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo deeqdan dawada ah ku wareejiyay Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in gurmadkan dowladiisa u fidineyso dadka Soomaaliyeed uu tusaale u yahay xiirka wanaagsan ee labada dhinaca ka dhexeeya.

Dawada lagu wareejiyay dowlada Federaalka ayaa la sheegay inay tahay 8 tan oo dawo ah iyo dhakhaatiir kana timid dowladda Ethiopia.