29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Qarax ka dhacay Qaahira xilli ay ku wajahan yihiin Trump iyo 20 hoggaamiye oo kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Qarax ayaa goordhoweyd ka dhacay bariga magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Qaraxan ayaa dhacay saacado kahor furitaanka shir-madaxeedka Sharma el-Sheikh ee loogu saxiixayo heshiiska nabadda Gaza, halkaaas oo Madaxweyne Trump iyo 20 hoggaamiyeyaal oo kale ay tagayaan, sida ay werisay Al-Qahera Al-Ekhbariya.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar oo la hadlay Sky News Arabia ayaa hoos u dhigay saameynta qaraxan.

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax weerar ah ama khatar amni, balse lama faah-faahin weli waxa uu qaraxan ka dhashay.

Heshiiska taariikhiga ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa imanaya kadib bilooyin is-mari-waa ah. Labada dhinac ayaa haatan bilaabay sii-daynta la haystayaash Israa’iiliyiinta oo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, horumar weyn oo muddo la sugayay oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Madaxweyne Trump oo gacan ka geystay dhex-dhexaadinta heshiiskan, ayaa Arbacadii baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay isku raaceen wejiga koowaad ee qorshihiisa, taasoo ay ku jirto in Israel ay ciidamadeeda kala bixi doonto xariiq horey loogu heshiiyey.

Inkasto faah-faahinta heshiisku weli cadeyn oo ay ku jiraan nidaamka is-dhaafsiga iyo xariiqa ay ciidamada Israel ka baxayaan.

Ku-dhawaaqista Mr. Trump ee heshiisan ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka gacan ka gaysanayay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiisku uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza.

“Kani waa maalin WEYN oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Mr. Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Sida ku cad qorshahaas, la-haystayaasha waxaa lagu beddelan lahaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo xabsi daa’in ku xukuman iyo 1,700 qof oo reer Gaza ah oo ay Israel xirtay intii uu dagaalku socday.

“Dhammaan la-haystayaasheena waa la soo celin doonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, bayaan uu soo saaray kadib ku dhawaaqistii Trump, laakiin ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Inkastoo Israel iyo Xamaas ay hadda bulaabeen is-dhaafsiga maxaabiista, haddana weli ma cadda in dagaalka labada sano jiray ee Gaza uu dhammaan doono.

Dr. Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar, ayaa sheegay in heshiisku “uu horseedi doono soo afjaridda dagaalka, sii-daynta la-haystayaasha Israel iyo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo sidoo kale fududeynta in gargaar la gaarsiiyo.”

- Advertisement -

Read more

Local News