QARAX khasaare geystay oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay ka dhacay qaybo ka mid ah gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lasoo wariyey inuu geystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeey goobjoogayaal.

Ciidamada la qarixyey ayaa watay gaari nooca raaxada ah, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan, sida ay shaaciyey dad ka agdhowaa goobta.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale, kuwaas oo labo ka mid ah ay yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baartaano kooban, balse ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaq dadka iyo ganacsiga.

Dayniile ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood lala beegsaday rag muas’uuliyiin ah, waxaana badankood sheegata kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan qaraxa miinio loo adeegsaday ayaa sidoo kale ka mid noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.