DEG DEG : Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay xerada Dhagaxleey

Nairobi (Caasimada Online)  War hadda soo dhacay ayaa waxa uu sheegayaa in qarax xooggan uu gordhow ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxleey ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Inta la ogyahay illaa labo qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay meel makhaaxi ah oo ku taalla xerada.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaasha qaraxa ayaa ka duwanaa kuwiii horrey u dhici jiray.

Markii uu qaraxa dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka Kenya, kuwaasoo bandow ku soo rigay xerada.

Qaraxyada ka xerada ayaa la sheegay in ay soo noqnoqdeen, waxana kii ugu dambeeyay uu dhacay 14-kii bishii la soo dhaafay  isagoo kadhacay meel laga qaato warqadaha lagu codeeyo ee loo yaqaano Kuurada, waxana ku dhaawacmay illaa hal qof.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay qaraxa caawa ka dhacay xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryhaha qoxootiga ee ku yaalla gobalka waqooyi bari Kenya.

Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa waxa ay ahayd meel lagu caweeyo oo dadka ay isugu yimaadaan waxa kaloo ku taalla goob makhaaxi oo ay lee yihiin dad Kenyan ah.

Wixii faahfaahin ah kala soco Caasimada Online