Wafuud ka socota Somalia & Maamulka Somaliland oo ku sugan Lodon

London (Caasimada Online) Waxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku sugan ku sugan labo wafdi oo ay kala hoggaminayaan ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiika arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Maxamed C//aalhi Cumar.

Wafdiga ay hooggaamineyso wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa shaley la kulantay xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William William Hague.

Labada masuul ayaa ka hadlay xiriirka labada wadan iyo in dowladda Britain ay ballaarin doonto taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Waxa kaloo ay ka hadleen labada wasiir siddii dib loo furi lahaa safaaradaha labada wadan ay ku la haayeen Muqdisho iyo Lodon.

Sidoo kale waxa magaalada London kulan ku yeeshay wasiirka dowladda Britain u qaabilsan Horrumarinta Africa Mack Simon iyo wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Maxamed Cumar.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland kulanka waxa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin shir bisha May ay dowladda Britain u qabaneyso kooxaha Soomaalida.

” Arrimaha aan ka wadahaddalnay waxa ka mid ahaa taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland ee dowladaha hoose oo seddaxda xisbi ay ku soo baxeen iyo arrimo kale oo la xiriira iskaashiga,  nabadgalyada dhaqaalaha leh” ayaa yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda Britain ay ka mid ahayd dowladihi xagga dhaqaalaha ka taageeray Somaliland doorashadii dhawaan ka dhacay deegannada maamulkaas.

Mar la waydiiyay shirka ka dhacay bisha May London in ay ka soo qaybgaleyso Somaliland wuxuu ku jawaabay

“Wasiirka waa uu ka hadlay in dowladda Britain ay u qorsheesantahay in mar kale ay qabato shir wayne sannadkan , kaasoo noociisa uu yahay shirkii bishii February , ka hore ka dhacay London, hasa yeeshee arrintaas mid dhammaatay ma ahan waa mid billow ah,  Somaliland mooqifkeeda kaga aadan shirka noocaas oo kale oo beesha caalamka ay isugu immaaneyso waanu u cadeenay” ayuu yiir wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliland waxa ay kaga qaybgali doontaa shuruudihii ay kaga qaybgashay shirki bishii February kal hore in uu yahay oo ah kuwa wali yaalla.

Shirka noocaas Somaliland ka qaybgalkeedu wuxu yahay in la buuxiyo sidii kal hore oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London