Digniin ka timid safaarada Soomaaliya ee dalka Libiya Sababta Maxay tahay?

Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa mar labaad digniin kasoo saartay gaaritaanka dadka tahriib doonka ah ee dalkaasi Liibiya,iyadoo safaarada sheegtay inaysan masuul kanoqon karin dhalinyarada ku dhinta halkaasi.

Cabdiqani Maxamed Waceys,safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed naftooda inay iyaga haligaan ,maadaama uu tilmaamay inaysan qaadaneynin digniinta ay u jeedinayaan.

Wuxuu digniin  u diray waalidiinta caruurtooda ku dhiiro gelinayo inay tahriib aadaan ,si ay u gaareen wadamada qaarada Yurub ,isagoo shegay in dhalinyaradaasi haddii ay dilaan ciidamada Liibiya aysan qaadi karin masuuliyada dhalintaasi.

Isaga oo ka hadlay hadalada masuuliyiinta dowlada Liibiya ayuu sheegay in dowlada Liibiya ay dhawaan xirtay dhamaan xuduudaha ay la wadaagto dalalka ay jaarka yihiin,taasina ay tahay mid lagu yareynayo tahriib ahaan dadka u galayo dalkaasi.

Dhawaan safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay meydadka dhalinyaro Soomaaliyeed oo kudhintay gaari ay la socdeen oo saarnaa Shamiito “Sibir” badan.