Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ruux kastaa uu u maleynayay inuu qaraxa u dhow yahay, marka loo eego xoogiisa.
Lama oga qasaaraha qaraxa ka dhashay waxaana qaraxa uu saameeyay hotelka Jazeera ee Muqdisho iyo goobo kale oo qaraxa uu u dhawaa.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada labo ay ahaayeen kuwaasi oo ka dhacay afaafka hore ee garoonka iyo albaabka loo yaqaan Madiino Gate.

La soco waxii kusoo kordha insha allah

