Maxaa iska badalay go’aanka DF Somalia ku mamnuucday shirarka

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dhaliilaha kala duwan ee maalmahaan kasoo baxayay xisbiyada kala duwan ee ka dhisan dalka Soomaaliya kuna sugan magaalada Muqdisho.

Xisbiyada ayaa ku eedeeyay wasaarada amniga iney dooneyso iney af qabato xisbiyada doonaya iney kulamo kala duwan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteelada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya C/kamil Macalin Shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaarada aysan ula jeedin digniinta ay soo saartay in la caburiyo musharixiinta balse ay doonayaan iney adkeeyaan amaanka goobaha lagu kulmayo.

Afhayeenka wuxuu sheegay iney jiraan dad badan oo cadow ku ah hoteelada magaalada Muqdisho, ayna doonayaan iney la socdaan dhaqdhaqaaqyada hoteelada si ay dusha kala socdaan amaanka goobaha madaxda ay ku kulmayaan.

Hadalka wasaarada ayaa u muuqdo mid ah ku qaldayaan dadweynaha oo ay ku caburinayaan madaxda xisbiyada kala duwan ee dalka.

https://www.youtube.com/watch?v=f0AgShm9_44&feature=share

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com