Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay Isgooyska Afarta darjiin ee Degmada Yaaqshiid ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari Miino lagu xiray oo yiilay wadada, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxaasi loo aasay Dumar goobta qaad ku iibiya wadada iyo sargaal ka tirsanaa Nabadsugida.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 2-ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo Lix ruux.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa lagu iibiyaa qaad, waxaana halkaasi iminka ku sugan gaadiidka Ambalaasta iyo ciidamo farabadan oo xaqiijinaaya Ammaanka.

Dhanka kale, Waxaa xiran gabi ahaan wadada, waxaana la tilmaamayaa in Khasaaraha uu intaasi kasii badan karo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com