Beesha ABGAAL oo isugu timid kullan maamul cusub oo federal lagu dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dhammaanba waxgaradka, culumaa’udiinka, siyaasiyiinta, xubno horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda beesha Abgaal Cusmaan.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii beesha Abgaal Cusmaan mowqif mideysan uga qaadan lahayd maamu loo sameeyo gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe, iyadoo kulankaasi khudbado kala duwan ay ka jeediyeen Nabadoono, Culumaa’udiin, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan beeshaasi.

Mudane Xasan Sheekh Ali Nuur oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka shirka ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha kulanka looga baahan yahay in iyagoo raacaya dastuurka federaalka ay keenaan qorshe maamul loogu sameynayo gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe, maamulkaasi oo ah mid ay u dhan yihiin dhammaanba beelaha degan labada gobol.

Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah mashaa’iqda ku caan baxday fidinta diinta Islaamka iyo barashada cilmiga, ayaa sheegay in Alle mahadiis ay tahay haddii maanta ay soo baxeen hoggaamiyeyaal doonaya inay raadiyaan xuquuqda beesha Abgaal Cusmaan ka maqan oo ay ula siman tahay beelaha kale ee Soomaaliyeed.

“Waa diidnay in nala lahaado gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe oo aan maanta halkaan u fadhino inaan ka tashano aayaha labada gobol” ayuu yiri Sheekh Axmed Siyaar oo sheegay in dad ka yimid gobolada dhexe ay doonayaan in xuquuq laga siiyo gobolka Banaadir iyo Sh/dhexe iyagoo degaanadooda u sameystay maamul goboleed u gaar ah.

Sheekh Daa’uud Sh. Muxumad Sh. C/raxmaan Celi oo ka mid ah mashaa’iqdii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in beesha Abgaal Cusmaan haddii ay baraarugtay looga baahan yahay inay la timaado midnimo oo waxa ka maqan ay si wadajir ah u raadiyaan.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Nabadoon Shire Xaaji Dalfac oo ka tirsan waxgaradka beesha Abgaal Cusmaan ayaa ku booriyay beesha inay iyagu taageeraan nidaamka Federaalka ee dalka lagu dhaqayo, isagoona sheegay in beesha ay iyadu faa’iidooyin kala duwan u leedahay nidaamkaas federaalka ah, hase yeeshee ay diidi doonaan beelo aan lahayn webi iyo bad toona, kuwaasi oo doonaya inay wax ka helaan kheyraadka laga helo dhulalka kale.

“Abgaal Cusmaanow taageera Federaalka, waxaad arki doontiin beelo diidan nidaamka Federaalka oo aan lahayn Bad iyo Webi, oo doonaya inay wax ka helaan kheyraadka gobolada kale ee dalka” ayuu yiri Nabadoon Shire Xaaji Dalfac.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Muuse Cagaweyne wuxuuna sheegay in gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe ay ka mid yihiin gobolada dalka, sidaas darteed dadka ku dhaqan gobolada ay xaq u leeyihiin inay sameystaan maamul u gaar ah.

Culumaa’udiinka kale ee iyagu halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah Sheekh Cali Wajiis wuxuuna hoosta ka xariiqay in beesha Abgaal Cusmaan ay xaq u leedahay iyadoo raaceysa dastuurka federaalka ah inay sameysato maamul goboleed u gaar ah, isla markaana loo baahan yahay in kulankaan maanta ay beeshu uga tashaneyso aayaheeda laga mira dhaliyo.

Nabadoon Ibraahim Maxamed Weydow oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in beesha Abgaal Cusmaan looga baahan inay sameysato maamul dhexdeeda ah, kaasi oo noqonaya marjac ay beesha u laabato haddii ay meesha ka baxdo Dowlad Soomaaliyeed, wuxuuna si cad u sheegay in haddii ay yihiin nabadoonada beesha ay soo dhoweynayaan tallaabadaan maamulka loogu sameynayo gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Abgaal Cusmaan, wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

“Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa inay nagu taageerto go’aanada ka soo baxa beesha Abgaal Cusmaan” ayuu yiri Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo sheegay in kulanka ay maanta beesha isugu timid uu yahay midkii ugu muhiimsanaa, wuxuuna nabadoonka hoosta ka xariiqay in dib u dhaca beesha ku yimid aanu ahayn mid caqli xumo ah balse uu yahay xilkasnimo.

Waxa uu sheegay Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow in beesha Abgaal ay tahay gogosha Dowladnimada Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha dib u dhigay oo ay u sameysan weysay maamul goboleed u gaar ah, “Waxaan islaheen ha hor boodina beelaha Soomaaliyeed bacdamaa aad tihiin gogoshii dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo sheegay in haddii maamul loo sameeyo gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe dalka intiisa kalena ay ku dayanayaan.

Safiya C/llaahi Cali oo ka tirsan haweenka beesha Abgaal Cusmaan ayaa sheegtay in guddiga aaya ka talinta gobolada Banadir iyo Sh/dhexe la ballaariyo, bacdamaa beesha ay degto inta badan gobolada dalka, isla markaana ay beesha uga maqan yihiin xuquuqo fara badan, iyadoona u mahad celisay dhammaanba xubnaha guddigaasi oo ay codsatay in guddigu ka shaqeeyo sidii uu uga shaqeyn lahaa soo celinta xuquuqda beesha ee gobolada dalka ku maqan.

abgaal1abgaal2abgaal3abgaal4abgaal5abgaal6abgaal7abgaal8

Source: Somaliweyn.com