Dagaal u dhexeeyo ciidamada Axmed Madobe & Barre Hiiraale oo ka socda..

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu hada ka socdo deegaanka Goobweyn.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu xoogan yahay, islamarkaana ay qaaden Ciidamo ka amarqaata Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Deegaanka uu ka socdo dagaalka ayaa waxa uu saldhig u yahay Ciidamada Col. Barre Hiiraale, iyadoona lasoo warinaayo in dagaalkaasi ay ka qeybqaadanayaan gaadiid dagaal oo ay wataan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan Kenya.

Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah siyaasiyiinta Gobolka Gedo, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka ay qaadeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba, waxa uuna sheegay in dagaalka uu yahay mid lagu jabinaayo Heshiiskii lala galay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay  in ciidamada ka amarqaata Axmed Madoobe ay duullaan ku qaadeen Ciidamada Barre oo ku sugnaa Deegaanka Goobweyn.

Maxamuud Sayid Aadan sidoo kale, ku goodiyay inay jawaab adag ka bixin doonaan duullaanka lagu qaaday Deegaanka Goobweyn, waxa uuna sidoo kale, Col. Barre ugu baaqay inuu jabiyo Heshiiska sida uu Axmed Madoobe u jabiyay.

Dhanka kale, dagaalka oo dhacay galabta ayaa dib u bilowday goor dhow caawa ah, waxaana la maqlayaa rasaas iyo hoobiyayaal ay labada ciidan isku adeegsanayaan.

Weli Saraakiisha Maamulka Jubba kama aysan hadlin dagaalkaan lagu qaaday deegaanka Goobweyn ee ciidamada Barre ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com